Ceelcad | Latest News Over The World

DAAWO SAWIRADA: Qaraxii ka Dhacay Afaafka hore ee Baar liido ee Magaalada Muqdisho

Qarax maanta ka dhacay Baar Liido ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay qasaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay afaafka hore ee Baar liido waxaana lasheegayaa in gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay lageeyay Baar Liido halkaasna ay uga tageen dadkii watay. saacado yar kadib ayaa waxaa lasoo wacay mobile walxaha qarxa lagu farsameeyay  oo gaariga dhaxyaalay sidaadaasne qaraxa uu ku dhacay sida aan ku helnay wararka.

Hal ruux ayaa ku dhintay oo lasheegay inuu ahaa askari katirsanaa waardiyaasha Baar Liido askari kalane waa uu ku dhaawacmay qaraxa. sidoo kale wararka ayaa sheegaya in 8 gaari uu kujiro gaarigii laqarxiyay ay halkaas ku bur bureen

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa durba soo gaaray ciidamada ammaanka Gobalka Banaadir. saraakiil sar sare iyo ciidamada Amisom oo halkaas baaritaano kawada iyadoo lafilaayo in masuuliyiinta dowlada ay qaraxaas kahadlaan.

qaraxqarax1qarax2qarax3qarax4qarax6qarax7qarax8qarax9qarax10qarax11qarax12qarax13qarax14qrax5

Aqrisatay:184Share on Facebook

Short URL: http://ceelcad.com/?p=6016

Posted by on Feb 16 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “DAAWO SAWIRADA: Qaraxii ka Dhacay Afaafka hore ee Baar liido ee Magaalada Muqdisho”

  1. Ilaa ayaa halagay waxaa ka dacwoda duqa magalada muqdisho tarsan horoon ugu sheygay ilahayow ku dinda badalay kaqabo dadka muslimiinta

Fikirkaaga Ka dhiimo

Photo Gallery