Ceelcad | Latest News Over The World

Shabaab oo Sheegay inay Diyaariyeen Gabdho is Qarxiya

Ururka Alshabaab ayaa sheegay inay diyaariyeen haween doonaya inay is qarxiyaan.

Wakiilka Alshabaab ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in haweenka ay diyaariyeen inay isku qarxinayaan  ciidamada Midowga africa ee AMISOM.

Isaga oo ka hadlayay degmada Buulo-Barde ee Gobolka Hiiraan ayuu sheegay in Alshabaab dagaalka ay wadaan ay ka qeyb qaadanayaan  haweenka ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in haweenkaasi ay ku wareejiyeen Alshabaab dhaqaalo badan sida uu  hadalka u dhigay.

Hadalkiisa ayaa imaanaya iyadoo aysan jirin wax cad oo ku aadan in haweenkasi ay isqarxin doonaan iyo halka ay isky qarxinayaan.

Alshabaab ayaa dagaalka xoogan kula ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa AMISOM.

Email: Ceelcad@gmail.com

Aqrisatay:348Share on Facebook

Short URL: http://ceelcad.com/?p=5403

Posted by on Dec 5 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery