Madaafiic Laga Seexan Waayay oo Xalay Laga Maqlay Muqdisho
Dhawaqa ka sokow waxaa jiro dad waxyeelo ay kasoo gaartay madaafiicda ka dhacay degmooyinka Boondheere ,Wartanabada iyo degmada Hodon ee Gobolka Banaadir.
Mid ka mid ah madaafiicdaasi oo ku dhacay degmada Wartanabada ayaa la sheegay inuu sababay dhaawaca hal ruux oo ku sugnaa xafadiisa Wartanabbada ku taa.
Mar kaliya abaare 11:35 daqiiqo ayaa xalay la maqlay jug culus oo loo maleeyey qarax taasi oo ka dhacday meel lagu qiyaasay agagaarka tiyaatarka Muqdisho waxaase kadib la maqlayey rasaas xoogan oo kor loo ridayey.
20-daqiiqo kadib ayaa waxa la maqlay hoobiye umuuqday mid soo dhacay iyadoo shan daqiiqo kadiba uu soo dhacay hoobiye kale kuwaasi oo lagu garaacayey xaafado daris la ah xarunta madaxtooyada Villa Somalia.
Madaafiicdaasi ayaa dad badan oo ku dhaqan Xaafadaha Xamar Weyne iyo Xamar Jajab waxay ku noqdeen mid hurdada ay kaga salaleen kuwaaso ka cararay guryahoodii qaarkoodna xalay ay ku hoyden meelo bacaad ah.
Qof walbo oo kusugan degmooyinka Xamar Weyne,Xamar J/jab iyo Waaberi waxa uu saaka oo Arbaco isweydiinayaa madaafiicdii xalay iyo khasaaro hadii ay geysatay inta uu la eg yahay.
Ilaa iyo hadda faahfaahin dhab ah lagama hayo waxyaabaha ay ahaayeen madaafiicdii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Email: Ceelcad@gmail.com
Aqrisatay:354Share on FacebookShort URL: http://ceelcad.com/?p=5399












