Taliye Cali Gaab oo Gordhow Lagu Dhaawacay Magaalada Muqdisho
Wararka naga soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Taliyaha ciidamada Taraafikada dowladda Soomaaliya la dhaawacay.
Taliye Cali Gaab ayaa la sheegay in xilliga falka dhaawaca ah uu soo gaaraye askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ay isugula dhageyn qori kadibna sidaasi xabad ay lugta kaga dhacday.
Dhaawaca taliyaha ayaa waxaa loola cararay Isbitaalka Daarushifaa ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi la sheegayaa in lagu daweynaayo.
Ugu danbey falkaan lagu dhaawacay taliye Cali Gaab ayaa ka dhacay xaafada Vinta una October oo ka tirsan Degmada Waaberi ee Gobalka Banaadir.
Email: Ceelcad@gmail.com
Aqrisatay:150Share on FacebookShort URL: http://ceelcad.com/?p=5387












