Haweeney Lagu Dilay Degamada Deyniile
Wararka naga soo gaaraya degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in rag hubaysan ay toogasho ku dileen mid kamid ah haweenka degmadaas.
Rag wajiga soo duubtay ayaa toogtay gabadhan gudaha degmada Dayniile, waxaana kooxihii dilka gaystay ay maareeyeen in ay ka baxsadaan halkii dilka uu ka dhacay.
Isagoo lahadlayay qaar kamid ah saxaafada ayaa Gudoomiyaha maamulka dowlada ee degmada Dayniile Daahir Xasan Xuseen ayaa sheegay in gabadhaas dilkeeda ay ka danbeeyeen Shabaab.
“Waxaa naloo soo sheegay in la dilay haweenaydan, waxaan baaritaan kadib inoo soo baxday in dilkeeda ay ka danbeeyeen Shabaab’ayuu sheegay Daahir Xasan Xuseen Gudoomiyaha dowlada ee degmada Dayniile.
Xaalada amaan ee degmada Dayniile ayaa waayadan ahayd mid degan iyadoo aysan jirin wax dilal ama falal kale ah oo waayadan ka dhacayay degmada Dayniile.
Email: Ceelcad@gmail.com
Aqrisatay:157Share on FacebookShort URL: http://ceelcad.com/?p=5384












