Ceelcad | Latest News Over The World

Maanso Loogu Magacdaray Amiirkii Dibanaha Furay.

Dunidaan Had Iyo Goor

Duulka Tiisa daayacay.

Ee gabay Dantiisana.
Ma dikeeyo Nolol sare.
Diif Iyo rafaad iyo.
Damaaciga Shisheeyaha.
Dabin seegi maayee.
Darxumuu ku Noolaan.

Daruuf baa u wahel Noqon.
Waa liite Daacufa.Mid ay diir wadaagaan.
Ayaa Dooxo, oo Dla.
Daraahiimna Siisani. Dulaal Iyo mallaalbaa.

U door dooro daw daran.
Dal daloo madaxa gooyn.

Inamada Wax dilayee.
Ee dilaaga soo diray.
Diin Iyo Kitaabiyo.
Darsiyada Axkaamtiyo.
Daa’in maba yaqaanaan.
Giddi waa dijaaliin.
Daba maray wanaagii.
Jahanamana doortoo.
Dooriyay Xaqii Alle.
Aan Dareemin Waaqica.

Doorkii abwaankee.
Shalay Taarka soo diray.
Ee diimay yaabana.
Fariintiisa Dahabkaa.
Qaf Damiir leh garan karo.
Dilaagii markuu helay.
Amiirkii dibnaha Furay.
Daalimkii wuxuu yiri.

Wiilasha aan soo diray.
Dambaaburada saar sani.
Qaraxyada la Didayana.

Daarahiina Soo galo.
Ku Qarxaayo Dibadaha.
Waa Ubad la duufiyay.
Waalidkiina deyriyay.
Aane Aan dar daarmiyay. Dabkaan Joojin maayaan.

Madfac daayi maayaan.
Dabin daayo wadidiyo.
Dilka Dhaafi maayaan.
Dib ulaaban Maayaan.
Inta ay dadweynahu.
Isku keen duleynaan.
Dowladnimada diidaan.
Oo ay teena Doorani.
Dhammaan Daacad noo noqon.

Dambiilaha Mar kale yiri.
Nin U duuban helid madax.
Afar oori Doortoo.
Damaashaad ku jira leyl.
Daar wacan Gam’aayoo.
Hanfi Iyo Dabeyl rabin.
Sidee Dabaq ka bood iyo.
Darbiyada U jibinoo.
U dilaa Naftiisana.
Muu dabaal adeegsado.
Kaasaa is dooxee.

Meesha diin Mahaaynee.
Darajiyo Xil uun baan.
Ku qotontaa danteenee.
Adna daacad fahantaye.
Dacarkaan qaseeynana.
Dadka weey arkaanoo.
Daqonadan hagaradsiin.
Doodii ku soo gooy.
Damanaha fidnada wada.

by Wariye :Cabdicasiis Barrow
Aqrisatay:293Share on Facebook

Short URL: http://ceelcad.com/?p=5363

Posted by on Dec 3 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery