Ceelcad | Latest News Over The World

“AMAR WAALID WAA ARDAA AAN LAMARIN”

Waa qormo xiise leh waa qiso Layaableh oo ka dhacday Somalia gaar ahaan Garowe
Qormadan waxaan qoray kadib markii aan la kulmay HANAD oo ah wiilkii qisadu ku dhacday
sanadku markuu ahaa 02/03/2009 kadib markii aan dalxiis kutagay meel lagu raaxaysto oo lagu magacaabo DARAYLE oo kutaal magaalo madaxda dowladda Puntland ee Garowe HANAD waa wiil dhalinyaro ah oo hada iskaabulo ah HANAD Kaftan iyo sheekooyin badan oo dhinac walba taabanaya kadib waxaan sxbkay ka codsaday inuu iiga sheekeeyo HODAN iyo isaga arimihii dhexmaray
Waxaana uu kubilaabay Qisadiisii sida tan “Aduunku waa harka labadiisa galin adoo haysta ayuu kaa qaadin adoo aan haysanna waa uu kusiin waxay ahayd 02/05/2006 waxay ahayd galab isniin ah cirka waxaa saarnaa daruuro aad uqurux badan waxaan ka imid Garonka kubadda cagta ee MIRE AWARE waxaan imid gurigayaga waxaa uu ahaa cidlo cidlo waxaana da’ayay roob waxaa joogtay guriga gabadha shaqaalaha ah oo kaliya waxaan soo qaatay kursi oo waxaan fariistay barandada si aan cirka iyo roobka udaawado qabowgana ugu raaxaysto markaan barandada fadhiyay qadar 5 daqiiqo ah roobkiina sii batay ayaa waxaan arkay qoftaagan taxtul albaabka micnaha (albaabka hoostiisa) waxaan is iri waa qof albaabka soo garaaci raba ee ka fur lakin nasiib darro ma noqon qof doonayay inuu guriga soo galo !
Waxay ahayd HODAN oo gurigoodu ka fogaa isla markaana roobka ka dugsanaysay albaabka fowqiisa kore
Markaan furay albaabka ee aan arkay inaysan guriga usocon igana naxday ayaan si macaan oo qabow oo naxariis iyo niyad sami ku jirto waxaan ku iri Abaayo macaan horay usoo dhaaf albaabka Qabowga roobka kasoo gal
Iima aysan jawaabin xishood dartiis waxaan mar labaad ku iri kolba aariyo yaysan abaayo ku galin ee guriga soo gal, waa ay faraxday waxa ay u ilka cadaysay si quruxbadan markii ay guriga soo gashay ayaa waxaan geeyay qolka Gabdhaha, gabadhii shaqaalaha ahayd ayaan ku iri gabadhan waa inoo marti ee sii dhar ay iskaga badasho dharka qoyan kadibna u qalaji dharkeeda gabadhii shaqaalaha ahaydna sidii ayay samaysay
Kadib markii uu roobkii istaagay ayay soo baxday qolka fadhiga ayay igu soo martay kadib waxaa na dhexmaray wada hadal gaaban waxaana uu ku bilowday sidatan
Aboowe waanku salaamay
Waan naxay sababtoo ah ma filayn inay ii imaanayso waxaan lasoo booday Haa haa abaayo waankaa qaaday
Way ila yaabtay wayna igu qososhay
Abaayo iga raali noqo si lama filaan ah ayad igu timide
Waxay tiri aboowe dhib malahan waxaan kuugu Imid inaan kaaga mahad celiyo wanaagii aad ii samaysay
Abaayo dhib malahan waa aynu isku leenahay walaalo somaliyeed ayaynu nahay ayaan ugu war celiyay
Aboowe waan sii baxayaa ee inbadan oo khayr ah ayaan kuu rajaynayaa
Okay walaalo anna sidoo kale ayaan iri waxay isii raacisay aboowe goormee kaaga abaal gudaa abaalkad ii gashay
Qosol dheer kadib waxaan iri maxaa abaal ah ma intaan yar ayaad iiga abaal gudin ha’ubixin ayaan iri
Iyadoo dhoola cadaynaysa ayay itiri su’aashaan ku waydiiyay jawaabteedu taa ma ahan
Okay waqtigaad rabtid ii abaal gud ayaan iri
iyadoo dhoola cadaynaysa ayay itiri habeen danbe 19:00am ama 1saac oo fiidnimo hadii alle idmo ma’ii iman kartaa…??
Haa haa haa abaayo waqti walba oo aad jeceshay ayaan kuu iman lakin xagee kuugu imaadaa  Magacaagase iima sheegaysid miyaa?
Oh’ sorry magacaygu waa HODAN adna walaal ?
HANAD ayaa laygu naa naysaa lakin wali meeshaan kuugu iman lahaa iima aadan sheegin ayaan ku iri
Aboowe Gobolka hortiisa jardiinka jacaylka ama meesha sida “O” usamaysan ee garoonkii hore ee Godka ku dhextaala Magaranaysaa aboowe..? Haa walaal si wacan waxaan ahay reer Garowe Asal ah marka side halkaa ugaran waayaa ayaan usii raaciyay
Kadibna numberadii telephoonada ayaan iswaydaarsanay waana is macsalaamaynay oo HODAN waxay aaday gurigeedii oo kuyaalay xaafada 1-da Augost
Markii ay Cabbaar iga sii maqnayd HODAN ayaan dib waxaan usoo xasuustay muuqaalkii HODAN waxay ahayd Gabar siman Oo Style quruxbadan leh waxay U’ekayd Sidi tufaax Bislaaday waxay lahayd midabkii hablaha somaliyeed lagu amaani jiray  Micnaha midab maariin casaan ah
Waxaan dareemay farxad Waxaa marwalba igu soo noq noqonaysay Hadaladii macaanaa ee farxadu ku lifaaqnayd
Waxaa markiiba maskaxdayda kusoo dhacday Heestii hablaha somaliyeed lagu amaani jiray waxay ahayd hees aan aad ujeclaa Oo ahayd –
Marka guudka loo daboo
Timaha gadafka loo xiroo
Tirsadan ku qaangaar
Gayaankoodu soo baxoo
Ee geedka loo degoo
Wada hadasho guurtidu
Gacanqaadku uu dhaco
Lana keeno geenyada
Galadiyo ciyaaraha
Lagingimo arooskii
Waa gaari nolol wacan
Lagu soo gardaadshee
Gobsanaa hablahayaguu
Wuxuu waqtigu isguraba waxaa Soo dhawaaday  waqtigii ballanta Waxaan wacay HODAN Nasiib wanaag isla markiiba way iga qabatay
HANAD:- Hello’
HODAN:- Hello’
Hi’ walaal waa HANAD waxaan ubaahnahay HODAN
HODAN:- HI2 HANAD walaal waa anigii
HANAD:- Oh’ Sorry walaal mcnto codkaaga waan aqoonsanwaayay iga raali noqo plz
HODAN:- walaal dhib malahan Iminka ayaan rabay inaan kusoo waco
HANAD:- Walaal kawaran caafimaadka jawiga ii akhbaaree maxaa haysaa
HODAN:- Walaal waanka fiicnahay waxaan la’aantaa ka ahayn Xalay oo dhan adi ayaan kaa fakarayay
Wadahadal dheer kadib waxaan dib isku soo xasuusinay iskuna adkaynay inaanaan balanta kabixin oo 7:00pm aan la’iswaayin
Markaan telephonekii dhigay ayaa waxaan dib usoo xasuustay
Erayadii HODAN “aboowe waxaan la’aanta ka ahayn waan ka ladanahay’’ waxaan Ogaaday waxa aan dareemayo inay HODANNA ila dareemayso Waxaan usoo dag dagay halkii aan ku ballansanayn 5daqiiqo ayaan kasoo hormaray 7:00pm Laakin HODAN way joogtay oo wayba iga soo hormartay
Si’aan lasoo koobi Karin ayaan ugu farxay aragtida HODAN markay I’aragtay ayay fadhigi kasoo booday oo intay hab isiisay labada dhaban iga shumisay nasiib wanaag anna kama liidane sidii oo kale ayaan yelay oo si farxad iyo wanaag ku dheehan tahay ayaan isku soo dhawaynay salaantana iskaga gudoonay laakiin nasiib darro waxaan soo ilaaway oo aan kasoo tagay hadiyadii aan ugu tala galay inaan guddoonsiiyo
Balse waxaa farxad ii ahayd hadiyadii aan soo ilaaway midka quruxbadan inay iigu sootala gashay hadiyadaas aan kuusheegee waxay ahayd Ubax aad uqurux badan oo dhinacyada ku leh caleemo Caraf ayaa kasoo burqanaysay midabkiisu wuxuu aha midab Cassaan ama guduud ah Micnaha Midabki jacaylka ayuu lahaa Waxaan ku mashquulay wajigeeda aadka u quruxda badan   Markaan 15daqiiqo aan ku mashquul sanaa ayay itiri HANAD maxa ku helay walaalo Wad baxday Bal saacadaada eeg Waa 7:10pm Wax hadal ah intuusan iga soo bixin ayay itiri aboowe Ma fariisannaa mise meshaan kugu tala galay ayaan aadnaa
Waxaan iri adaa marti laguuyahaye xagee iigu talagashay Waxay tiri gurigayga ayaad caawa marti iigutahay ama aan kugu marti qaadayaa
Markaan waqtiyar soconayba waxaan gaarnay qasrigii ay daganayd markaan guriga galnay waxaa barandada ku cawaynayay Aabe HAYKAL iyo Maamo HILAAL waxaan gacan qaaday oo aan salaan kal iyo lab ah Salamay mama iyo Aabe sida aan usalaamay way ku farxeen salaan kadib waxaan usii gudubnay qolkii HODAN
Waxaan wada sheekaysanaba waxay itiri Walaalkay HANAD waxaan Rabaa Inaan wax kuu sheego Lakin iga ballan qaad in haddii aad u bogi waydo aadan iga xumaanayn bi’ixsaanik waan ku baryayaa iga ballan qaad inaadan ina cayn
Waa yaab aduunyee waxaan is iri tolow maxay soo wadaa waanka aqbalay oo waxaan ku iri abaayo HODAN hadii aan adiga kaa xumaado yaan u farxayaa iisheeg ha’iga baqin
Waxay itiri “ Dunida waxaa loo uumay inay dad kunoolaadaan dadkana waxaa loo uumay inay libaas isku noqdaan qof walba waxaa iska dhalay lamaanayaal qofna kaligii ilmo ma dhali karo qofna kaligii manoolaan karo Kor waayeel waa wada indho Dabcan dulucda hadalkayga waad dareemi kartaa Micnaha la’aantaa ma noolaan karo waanku jeclahay” indhaheeda ayaan eegayay markay ila hadlaysay waxa indhaheeda ku taagnayd ilmo iyadoo indhaheeda ilmo laga dareemayo ayay iigu luuqaysay heestan
Hubaal aragtidaadii markii aan
ku halacsaday
Sow jacaylku ima helin
Hilbahayga jiirkiyo
Xididada halbowlaha
Hanti waaxyahaguu
Xubnuhuu haleeloo
Ma huraan dartaadiyo halka lo dhamaystoo
Ogow hiirsigaagiyo hammi baan ku dhaafaa
Sidaan  kuula haystee
Ifka hiilku weeyee
Ruuxna ruux ma haybsado
Hadii hoyga aakhiro lookala hayaamee
Hayga goyn nasteexiyo naxariista hadalkee
HANADOW Hayga goyn nasteexiyo
naxariista hadalkeeeee
Markay intaa dhamaysay ayan u adkaysan wayay ilmada indheheeda kasoconaysa markaa ayaan is iri adba waa lagu hayaa ee maxaad gabadha u daawanaysaa Maad adba usheegto in lagu hayo oo side ugu sheegtaa..?? alaylehe u heees Oo qalbigeeda hambuul ka dhex dhiso
Maxaan gabi ka dhacayoo
Gud curo ugu ubaadee
Guureeyay owgaa
Galowgiyo shimbiruhuna
Gacal ii noqdeenoo
Geedaha la kori jiray
Gabadhaan jeclaayeey
Gaaridii haweenkaay
Naftu tay uguuxdaay
Gayaan kale ma waayinee
Giziin aadan cuni Karin
Gaajada ma bi’iyee
Gacantaada igu qabo
Alla waqtigu dheereeyaa waxaa lagaaray 1:00am Waxaan iri HODAN abaayo Caashaqu yuusan ka dhicin dhankaaga kama dhaco dhankaygee
Waxay itiri qalbiyow hadalkaagan mcn yuusan afka oo qura ku koobnaan ee uurka iyo qalbiga hakaa ahaado,
Waxay igu soo kaxaysay gaari oo ay xaafada igu keentay balse Intii aan jidka soo soconnay waxay igu dhiiri galinaysay inaanan noqon beenlow oo aanan ballanta kabixin
Ismacsalaamayn kadib HODAN waxay ay i dhahday goormaynu ka dhigannaa kulankeena danbe waxaan iri mcnto waqtigaad jeceshahay ayan kulmaynaa waqti walba diyaar ayaan kuu ahay Mcnto inbadan oo khayr ah ayaan kuu rajayn waxaan kalo rajaynayaa inaynu noqonno lamanayaal aan kala daalin kala xumaan kala xanaaqin kala caajisin is ilaawin cimrigoodana nolol farxadleh ku waara kuna dhamaysta
Subixii ayaan Message ugu diray mobileka wax yar kadib way isoo wacday iyado ooyaysa ayay igu tiri HANAD aboowe waanku salaamay farxad barwaaqo bash-bash ma ku waa bariisatay..??
Haa macanto nimcada Alle ayaan dhex jibaaxayaa walal macanto maxaad la ooyaysaa hadaad I hanatay xataa ma ilmaynaysaa ayaan ku iri  maya maya maya sida aad mooday wax uma jiraan
Macaane Xalay waxaynu ahayn lamaane is caashaqay jacaylkooduna ugub yahay lakin saaka markaan soo toosay ayaa aabbe iyo hooyo si wada jir ah iigu yeereen waxay idheheen waxaan rabnaa inaan wax ku quseya kuu sheegno xalay adoo wiil kula socdo ayaad timid oo wiilku sida wanaagsan oo uu noo salaamay noona qadariyay ayaan kaaga xishoonay
Waxa nala soo hadlay walaalkaa wiilkii aad ilmo adeerka ahaydeen ee America jiray waana uu nakaa waydiistay anaguna kuuma aanu diidi Karin waayo waa ninka halkaan nasoo gaarsiiyay
Qasrigan wayn iyo gawaaridaan waa ninka aan dartiis ku helnay marna waa wiilkeenna marka maandhey is diyaari 5 cisho kadib ayuu imaanayaa oo lagugu meherinaya”
Oohin badan kadib waxaan iri ma walantihiin sidee idinka noqotay mataqaniin ninkii xalay ila socday waa jacaylkayga laakiin nasiib darro waxay iigu jawabeen
“warka badan iskadaa ama Jacaylkaaga raac oo aan ku habaarno ama ina adeerkaa oo aan kuu Ducayno”
HANAD waad aragtaa halka xaal marayo maxaan sameeya kee doortaa 2diina…..!!!!???????
Alla noloshu macaanaa marna kharaaraa horaan idiin iri adoo haysta ayay kaaqaadin adoo aan haysanna way kusiiin talo ayaa igu caddaatay lakin waxaan mardanbe si dagan ugu iri Ma hooyadii 9ka bilood uurka kugu siday ayaad aniga oo aad 2maalmood ka hor ibaratay idhaafsanaysaa.? jawaabtu waa maya
Ma aabahaa ayaad aniga iga dooranaysaa…? Jawaabtu waa maya
Ma duco ayaad habaar ka dooranaysaa……? Jawaabtu waa maya
Marka sidaa darted yeel hadalada waalidkaa nolosha ayaa iskeen bartay haddana nakala gaysay adkayso marka orod isku diyaari So dhawaynta Lamaanahaaga soo socda dantu siday kaala badin waydo ayaa la yeelaa ee Sida aad ii jeclayd u jeclow ina adeerkaa ahna lamaanahaaga Nasiib wanaag way iga aqbashay lakin waxay itiri haddii aad mustaqbal yeelato oo Alle gabar kusiiyo ubixi HODAN anna haddii aan wiil dhalo waxa igu ballan ah inaan ubixiyo HANAD
Fiicnaantii horeetiyo farxaddiii aan soo siday
Furihii jacaylkana Maalintaa ayaan Ku wareejiyay HAYBE

    BIL KADIB

waxaa isoo gaaray invitation ay ku qorantahay
“ waxaan si xushmad iyo qadarin leh kaaga codsanaynaa inaad nagala soo qayb gasho Arooska  HODAN iyo HAYBE oo caawa ka dhacaya Beerta quruxda badan ee DARAYLE”
Waxaa invitationka la socday warqad yar oo aad uquruxbadnayd waxaana ku qornaa
“HANAD waan ku baryaynaa fadlan tixgali Codsigayaga oo kasoo qayb gal xaflada”
Maka qaybgalaa mise waan iska daayaa ayaan is waydiiyay.? lakin
Waxaan is iri ka qaybgal waan kaqayb galay waayo waxaan tixgalinayay Codsiga Iiga yimid jacaylkaygii hore
Waxan wacay HODAN una sheegay inaan kasoo qayb galayo habeenimadii ayaan tagay goobtii arooska lakin Markii arooska aan wax yar joogay ayaan arkay dad badan oo igu dhago hadlaya iyago oranaya kan wa mid doqon ah naag nin ka raacday ayuu arooskeeda dhex fadhiyaa laakiin dulqaad badan kadib xafaldii aroosku way dhamaatay waxaan abaaray halkii ay fadhiyeen lamaanaha is calmaday waxaana si farxad ku dheehantahay ugu soo hambalyeeyay nolosha cusub ee u bilaamatay..

    HAL SANO KADIB

Waxay ahayd subax sacadda Somalia abaaraysay 5:00am ee aroornimo waan hurday waana kanaxay telka sacadan dhacaya anoo naxdin igu jirto ayaan qabtay
Mise waa HAYBE oo maraykanka iga soo wacay salaan kadib waxa uu igu dhahay
“Isiisay HODAN Iga raali noqo haddii aan hurdada kaa kiciyay saan filayo Somaliya waa laga hurdaa iyo haddii aan nabar horay kaaga bogsooday ku xasuusiyay, Saaxiib Waxaa 3saac kahor noo dhashay wiil HODANna waxay iga codsatay in aan wiilkeena HANAD ubixinno  waxayna igu tiri HANAD ayaan ka balanqaaday inaan ugu magacdarayo hadaan wiil dhalo   marka sxb adoo raali iga ah wiilkeena ma kugu magac dari karnaa…?????
Haa Haa Haa  sxb maasha allaah waa arrin farxad leh
dhib malahan awguuriyo ayaan idin leeyahay iigu magacdara waanku faraxsanahay hadalka aad ila soo hadashay
HODANNA igu salaan bye farxad kuwada noolaada ayaan idinleeyahay
Akhriste sheekadii jacayl ee dhexmartay HANAD & HODAN intaas ayay ku egtahay oo ay ku dhamaatay
GABO-GABADA
waa su’aal da’waynoo madaxa daalinaysee tolow waalidku mahor istaagi karaa xornimada Gabdhahooda..?
Gabdhuhu xaq ma’uleeyihiin inay soo xushaan ninkii nolosha la wadaagikara..?
Akhriste Su’aalahaan haddaad jawaabtooda haysid kusoo hagaaji Ciwaanadan

AbdiqaniOsman@Gmail.com –ama– Citygarowe@hotmail.com

Fiiro Gaar ah : Sababo jira awgood ayaan magacyadii dhabta ahaa ee qisadu ku dhacday ugu bedelay magacyo ka bilowday xarafka “H”

   MAHAD NAQ

Waxaan u mahadnaqayaa saaxiibkay Sulaiman A.zalaan Gadow oo mudadii an sheekada qorayay gacan wayn iga siiyay —

W/Q: Abdighani Osman Saquni  —

Aqrisatay:1610Share on Facebook

Short URL: http://ceelcad.com/?p=5056

Posted by on Oct 30 2012. Filed under Arimaha Bulshada, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for ““AMAR WAALID WAA ARDAA AAN LAMARIN””

  1. fodcade

    Asc dhamaan shaqaalaha wabka salaan kadib washeeko aad uqiiro badan marna wafarxad marna waamurugo aad ayaan ugaxumahay waxa kudhacay labada lamaane midakale wiilka waxa uu sameyay waa wax wanaagsan waxaan lee yahay ale hakuusahlo mid iyada lamid ah aduun waimtaxaan ale wuxuu jecel yahay kusamirka badan hadana cafiska badan ee waxan kuleyahay samir walashaa dana cudocey wadna mahadsan tihiin

  2. M

    waa sheeko cajiib aad baan ula dhacay YARKA arinkaa sameeyay aad baan sxb kugu faraxay i wish in aaan dadka kaabaran lahaaa cuz rer garoe asalaan ahay sxb allah haku siiyo qof inbadan kaaga fiican heblo caruurtaada iyo xaaskagaba allah hakaaga dhigo kuwa waalid adeec ah .

Qormadaada

Photo Gallery