Amir khan Iyo Hooyadiis oo Sanadkan ka mid ah Malaayiinta muslimiinta ah ee Xajinaya
Jilaaga Caanka ah ee reer Hindiya Amir khan ayaa sanadkaan ka mid ah Malaayiin muslimiin ah oo xajinaya kuna sugan Dalka Sucuudi carabiya waxaana uu shalay ka ambabaxay magaalada Mumbai garoonka diyaaradaha magaaladaasi.
Amir Khan ayaa la sheegay in safarkiisa ku wehlineyso Hooyadiis oo lagu magacaabo Zeenat Hussain waxaana la sheegay in sanadkaan ay xajinayaan.
Atooraha Hindiya sida weyn looga yaqaano iyo caalamka oo idil ee Amir Khan ayaa waxa la sheegay inuu ka mid yahay muslimiinta aflaanta jisha kaasi oo soo gudanaya mid ka mid ah rukniyada islaamka shanteeda tiir.
Malaayiin muslimiin ah ayaa kusugan magaalada Maka al mukarama kuwaasi oo maanta si toos ah waajibaadka xajka ubilaabo doona iyadoona muslimiin badan oo somali ah ka mid yihiin dadka xajinaya ee sacuudi carabiya kusugan.
Email: Ceelcad@gmail.com
Aqrisatay:430Share on FacebookShort URL: http://ceelcad.com/?p=4951














