Ceelcad | Latest News Over The World

Maxaad ka taqaanaa Ra’isul-wasaare Cabdi Gaas Qormo aad u xiiso badan oo wax badan kuu ifineysa

Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli inta uusan soo galin siyaasada Soomaaliya, waxaa uu ku noola dalka Maraykanka gaar ahaan Virginia halkaasi oo uu ka ahaa taksiile.

Balse mudo ka dib waxaa la soo darsay xanuun xaga neerfaha ku dhaco , oo ay ka caawisay Xaaska uu hada qabo Ra,iisulwasaare Abdi weli gaas, Marwo Hodan Ciise oo oo aay jufo hoose ka soo wada jeedan.

Mudo ka dib waxaa aay Marwo Hodan Ciise saygeeda C/weli Gaas kula talisay in uu Jaamacad Wax Barasho galo kana baxo nolosha raqiiska ah oo uu ku nool yahay.
Marwo Hodan Ciise waxaa aay markaasi aheyd, Qof aqoon leh xooga dhaqaale buurana heesata marka loo eega C/weli Gaas xiligi aay is guursanayeen.
C/weli Gaas Waxaa lagu xantaa Jaamacadi uu wax ka soo bartay in aay aheyd Jaamacad Karistaan oo ay leeyahiin oo diima kale wax laga fahansiiya dadka wax ka barta jaamacadaasi.
Mudo ka dib noloshooda waxaa aay usoo guureen Magaalo la yiraahdo Buffaalo newyork isla dalkaasi Marayanka oo aay noloshoodi ka sii amba qaaadeen.
C/weli Gaas waxaa uu macalin ka noqday Jaamacad ku taalo Magaalada, Buffalo, Newyork dalka Maraykanka, jamacadaasi waxaa iska leh ,dad karistaani ah isla markaasina maal galiya oo u furay in diinta kaaristaanka wax laga fahansiiyo cidii dhiganaysa jamacaaasi,hadii aad doonaysid in aad wax badan ka ogaato qaabka aay ku shaqayso Jamacadaasi halkaan kal deg link habka aay ku shaqayso iyo cida maal galisa http://en.wikipedia.org/wiki/Niagara_University
Waxaa jamacadaasi ku xardhan calamadaha karistanka islamarkaasina macalimta wax barta qasab tahay in aay diinta karistanka wax badan ka baraan macaliminta wax bara ardaydaasi wax ka barta Jaamacada ku taala halkaasi iyo gebi ahaanba inta aay ka kooban tahay.
Dad badan ayaa macluumadkaani aan soo bandhigaynay, ka aamina kara wax kama jiraan, balse hadalkayga hadaan kaaga dhigo WAAYEEL HORTIISA CAANAHA LAGU BARXA, halkaan kala deg warka cadaynaya in uu C/weli gaas jaamacadaasi macalin ka ahaa link hoose ee warbxinta
Waxaa filaaya in aad akhrisatay isla markaasina aad ku qanacday, warkii ahaa in Dr C/weli gaas jamacdaasi wax ka dhigi jiray balse anaga malahin mana ku deg degayno ninkaasi waxaa uu aaminsan yahay balse waxaa isku dayayna in aan idin soo bandhigno sababta ka danbaysa.
Cabdi weli gaas dad badan oo si aad ah u yaqaano ayaa sheega inuu badanaa qabo madax xanuun xagga Neerfaha ah oo mar marka qaarba loo maleeyo inuu miyir beelo oo hadaladiisa iyo ogaalkisuba kala wareegtaan.
Mudane C/Welli gaas Ra,iisulwsaraha Soomaaliya, waxa ku qasbay in uu siyaasada Soo galo marwadiisa Hodan Ciise oo ah qof siyaasada jecel isla markaasina C/weli gaas ay dhex mareen sheekooyin yaab badan oo xifaaltan siyaasadeed ah.
Marwo Hodan Ciise waxaa ayaa olole la biloowday saygeeda C/weli gaas oo ku aadan sidii ay ugu bar bar dagaalami laheyd C/weli gaas qudbadaha uu ka jeediyo Magaalooyinka Dalka Maraykanka, waxaa  mar walba dhankiisa taagan Marwo Hodan oo dadka xafladaha qabanaya marka laga Waco saygeeeda ayana ka codsan jirtay in aay ka hadasho xafladahaasi.
Muda ka dib olole ay ku soo guda jirtay Marwo Hodan waxaa aay damacday in aay Maamulka Putlnad ay ka mid noqoto ama saygeeda C/weli ka mid noqdo golaha Wasiirada Maamulkaasi balse waxaa aay noqdeen kuwo ku hongooba oo aan ku gulaysan nasiib daro.
Mudo ka dib waxaa la soo dhisay Xukumudo Farmaajo uu ka ahaa Ra,iisulwasaare balse waxaaa xariir la sameeyay dowladaasi sida aan xogta ku hayno Farmaajo Marwada C/weli waxaa aayna ka codsatay in uu ka dhigo wasiir balse codsigeeda ma ahayn waxaa garab taagna oo asna xilka doonayay saygeeda C/weli gaas oo loo soo magacabay Ra’iisu-Wasaare Ku-Xigeen/- Wasiirka Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga oo in muda ah uu hayay ilaa uu iska casilay xilka Mudane Farmaajo.
Ra,iisulwasaraha Soomaaliya, C/weli gaas waxaa ugu fir fircoon xilka uu hada haayo marwadadiisa koowaad ee Hodan Ciise sababta aan sidaasi u leenahay ma ahan in uu C/weli neceb yahay xilka uu haayo balse waxaa maamule ka ah marwada.
Markii uu kulan la qaadanayo wasiirada Madax sare ee kala duwan waxaa aay ku qasabta in uu taladeeda qaato ayada oo aay ku qasabta inuu facebooga kula kulmo inta aan shirkaasi la gaarin.
Waxaa aay shaqada ka burisay gabdha horay ugu shaqeey jirtay, xaga cunada una qaabilsaneed karinta cunada C/weli gaas waxaa cuntatada guriisa haatan laga kariyo laga keena boosaaso marka laga reebo qudaarta.
Waxaa arinkaasi loo aanaynaya in aay ka danbayo marwarada C/weli Gaas oo u sheegtay hadii uu cuno ka iibsado Muqdisho in sun loogu darayo.
C/weli Maxamed Cali gaas ma ahan nin isa ,soo sharaxay balse wan in marwadiisa soo sharaxday sida xaqiiqda ah oo aan ku helnay xogta ku aadan arinkaasi waxaa aayna inta badan ku canaanata in aay caruurta keenayso Soomaliya, hadii aay mab da ,eeda ka soo hor jeesto Saygeeda C/weli Maxa,d Cali Gaas.
Waxa intaasi sii dheer mudo haatan laga joogo Maalmo qura Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli oo la kulmay Ururada Dhalinyaradda warbxin ciwaan loogu dhigay in aan ku arkay barta enternetka balse uusan C/weli gaas uusan joogin goobta waxaa kursiga ku fadhiyay Marwada C./weli gaas kualankana la qaatay ururada dhlinyarada isla, markaasina ku fariisatay kursiga C/weil gaas Maxa,d Gaas Marwadiisa Hodan Ciise.
Halkaan ka daawo sawirada Muujinaya arinkaasi
Waxaa la socon doontaa qeybta labaad ee qormadayna oo aan ku eegayno xukun jecelka marwada Ra,iisulwsare C/weli gaas iyo raga aay ku soo dartay golahiisa wasiirada waa warbixin dheer oo aan ugu tala galnay in aan bulshada ka haqab tirno.
 Ku Soo Dir fikirkaada sahalmedia@gmail.com
xigasho shaaciye.com
Aqrisatay:2606Share on Facebook

Short URL: http://ceelcad.com/?p=3689

Posted by on Aug 4 2012. Filed under Dhacdooyinka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Maxaad ka taqaanaa Ra’isul-wasaare Cabdi Gaas Qormo aad u xiiso badan oo wax badan kuu ifineysa”

  1. afcade

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    cuqdadaada ku dhimo sxb , xitaa hadii aanan aqoon dr,gaas kaama rumeysteen saase waaba anoo aqaan ilaa dhalashadiisii iyo heerarkuu soo marey isaga iyo marwadiisaba drs hodan cise

Qormadaada

Photo Gallery