Ceelcad | Latest News Over The World

Manchester United Oo Markale Ka Qeyb Galaysa Dabaal Daga Dhalashada Nelson Mandela.

Kooxda kubada cagta manchester united ee wadanka ingiriiska ayaa ka
qeyb qaadaneyso dhalashada hogaamiyihi hore ee ururka Anc ahna
madaxweynihi hore ee wadanka South africa.

Nelson Mandela oo maanta ay ku beegantahay dhalashadiisa ayaa ah 94 jir wuxuuna la tacaalayaa
xanuuno isaga oo iminka u dabaal dagayo dhalashadiisa 94aad ayay
xaaladiisu tahay mid aad u wanaagsan waxaana dunida oo idil ay u
dirayaan hambalyo iyo bogaadin geesiga xurnimada iyo aabaha africa
Nelson Mandel.

dhalashadiisa waxaa lugu yaqaanaa dabaal dagyo iyo
xaflado ka dhaca dhamaan qaaradaha aduunka gaar ahaan koofurta afrika
waxaana xaflada dhalashadiisa 94aad ka soo qeyb galay Kooxda Kubada
Cagta Manchester United ee carriga ingiriiska oo iminka marti ku ah
wadanka South Africa.

Kooxda ayaa kaga qeyb galeyso xaflada dhalashada
Nelson Mandela eyaga oo la ciyaaro doono kooxaha kubada cagta Amazulu
Fc iyo Ajax Cape Town eyada oo ay ciyaarta ugu horreyso ay caawa ay la
ciyaari doonaan Kooxda Kubada cagta ee Amazulu Fc.

Waxaana warbaahinta la hadlay macalinka kooxda Manchester United Sir Alex Farguesen
aroornimadi saakay isaga oo ka hadlay arrimo dhowr ah. Wuxuu marka
hore ka hadlay sanad guurada dhalashada Nelson Mandela oo uu ku
amaanay shakhsiyad iyo geesinimo. Mandela waa qof ku dayasho mudan
wuxuu u huray naftiisa iyo waqtigiisa inta badan xurnimada wadankaan
weyn ee South Africa waxaan leyahay noolow Mandela dhalasho wacan.

Sir alex ayaa sido kale ka hadlay sida uu kooxdiisa u arko iyo kulamada
saaxibtinimo ay ciyaari doonaan wuxuna yiri. Waan imaanaa mar walbo
south africa waxay noo tahay wax weyn inaan imaano waqtigaan oo kale
kana qeyb qaadano hambalyada mandela waxaan leenahay kulamo
Sibtinimo waxaan la ciyaareyna kooxo adaga oo gurigooda jooga.

kooxdane waxaa si aad ah uga buuxa ciyaarayahano da yar oo aan u arkay
inay tahay fursad ay isku muujin karaan maadaama ciyaartoyda aan
khibrada laheyn la tijaabin karin xiliyada kulamada adag ee natiijada
wax ku oolka ah leh.

Sir Alex Farge ayaa sido kale aad u soo dhoweyay
ciyaarayahanka cusub e Kgawa isaga oo ku amaanay inuu yahay
ciyaarayahan aad u wanaagsan mustaqbal wanaagsan ku leh kubada cagta.
Wuxuuna ka dhawaajiyay inuu doonayo ciyaarayahan kale balse uu ka
fiirsanayo ciyaarayahanka iyo qiimaha uu kula soo wareegi doonaan iyo
sida uu u buuxin karo boosaska loo soo iibin doono ciyaarayahanada ay
suuqa ka goobayaan.

Sir alex aya dhanka kale ka dhawaajiyay inay sii
mari doonaan China si ay uga qeyb qaataan kulamo saaxibtinimo ay
halkaasi ku ciyaar doonaan. Isku soo wada doobe ugu danbeynti macalin
Alex Farguesen ayaa la jaray toorto weyn masuuliyiin iyo khibaro
sports ah oo goobta ku sugnaa waa hotelka ay kooxda manchester ka
dagantahay magaalada Durbane eyaga oo si wada jir ah ugu hambalyeyeen.
Nelson Mandela.

HAPPY 94TH BRITHDAY MADIBA. Ugu danbeyn kooxda
Manchester ayaa lagu wadaa inay la kulmaan Nelson Mandela caawa
ciyaarta kadib.

Cabdiraxmaan Muumin Codeey
Codeey9@hotmail.com.
cape town south africa

Aqrisatay:1091Share on Facebook

Short URL: http://ceelcad.com/?p=3538

Posted by on Jul 18 2012. Filed under Ciyaaraha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery