Xulka Spain Oo Markii Labaad si Xarago Leh Ugu Guuleystay Koobka Qaramada Yurub+Sawirro
Xulka Qaranka Spain ayaa si xarako leh mar labaad ugu guuleysatay Kooxkiii Qaramada Yurub ee Euro 2012 .
Xulka Spain ayaa rikoor Cusb dhigay kadib markii uu 4-0 ay uga adkaaday xulka Talyaaniga Ciyaartii finalka eheed ee koobka Qaramada Yurub ee Euro 2012 oo xalay lagu qabtay magaalada Kiev ee dalka Ukraine.
Rikoorka Xulka Spain uu Xalay Dhigay
1-Rikoorka uu Xalay Xulka Spain sameeyey ayaa noqday daliki ugu horeeyey oo sadex jeer oo iski Xigta qaaday tartan heer caalami ah.
2-Rikoorka labaad ee Xalay uu Xulka Spain dhigay ayaa noqday dalki ugu horeeyey oo 4-0 ku badiyo ciyaar final ah ee koobka Qaramada Yurub.
3-in Sanadihi 2008 iyo 2010 uu Xilka Spain ku kala guuleysteen koobka Qaramada Yurub iyo Koobka Aduunka ee ugu danbeeyey ee lagu qabtay dalka Koonfur Africa.
Qaabka Goolasha loo Dhaliyay
Goolki ugu horeeyey ee ciyaarta waxaa u daah furay Spain laacibka kooxda Manchester City David Silva daqiiqadi 14-aad, waxaa u labeeyey ciyaaryahanka dhawaan ku biiray kooxda Barcelona ee Jordi Alba kadib marki uu ka helay baas qurux badan ciyaaryahan Xavi.
Goolasha kale waxay yimaadeen qeybti labaad ee ciyaarta waxaana u kala dhaliyey Torres oo badal kusoo galay iyo Juan Matta oo isna badal ku yimid isla markaana ay ka wada ciyaaraan kooxda Chelsea.
Dabaaldagyo waaweyn ayaa xalay ilaa saakay ka socda magaalooyinka dalka Spain, halka Talyaanigana uu la ooynayo dharbaaxadi cusleyd ee kasoo gaartay tartankan oo dabcan aanan waligood ku dhicin.
Ciyaartooydi u kala safatay xalay:
Qaabkii Xalay ay u kala Ciyaareen
Spain: Casillas; Arbeloa, Piqué, Sergio Ramos, Jordi Alba; Busquets, Xavi, Xabi Alonso; David Silva (Pedro Rodriguez 58), Fabregas (Torres 75), Iniesta (Mata 86).
Italy: Buffon; Abate, Barzagli, Bonucci, Chiellini (Balzaretti 21); Marchisio, Pirlo, De Rossi; Montolivo (Montolivo 56); Balotelli, Cassano (Di Natale 46).
Guuldaradii Ugu Xumeyd ee Soo Marta Xulka Spain
Guuldaradii ugu danbeysay ee Spain ka soo gaartay koobka qaramada yurub waxa ay aheyd 2006dii markaaso kulan isreebreb ah ay 2-0 kaga badisay Sweden, 29 kulan ka dib weli Spain dhinaceeda dhulka lama dhigin.





Short URL: http://ceelcad.com/?p=3438












