Ceelcad | Latest News Over The World

Xulka Qaranka Spain oo ku guulaystay Euro 2012

Xulka Spain ayaa sameeyey taariikh kadib marki uu 4-0 uga adkaaday xulka Talyaaniga kulanki finalka koobka Qaramada Yurub ee Euro 2012 ee xalay ka dhacay magaalada Kiev ee dalka Ukraine.

Taariikhda uu sameeyey Spain ayaa ah isaga oo noqday dalki ugu horeeyey oo sadex jeer oo xiriir ah qaaday sadex koob oo caalami ah, iyo isaga oo noqday dalki ugu horeeyey oo 4-0 ku badiyo ciyaar ka tirsan finalka koobka Qaramada Yurub.

Sanadihi 2008 iyo 2010 waxay ku kala guuleysteen koobka Qaramada Yurub iyo Koobka Aduunka ee ugu danbeeyey ee lagu qabtay dalka Koonfur Africa.

Goolki ugu horeeyey ee ciyaarta waxaa u daah furay Spain laacibka kooxda Manchester City David Silva daqiiqadi 14-aad, waxaa u labeeyey ciyaaryahanka dhawaan ku biiray kooxda Barcelona ee Jordi Alba kadib marki uu ka helay baas qurux badan ciyaaryahan Xavi.

Goolasha kale waxay yimaadeen qeybti labaad ee ciyaarta waxaana u kala dhaliyey Torres oo badal kusoo galay iyo Juan Matta oo isna badal ku yimid isla markaana ay ka wada ciyaaraan kooxda Chelsea.

Dabaaldagyo waaweyn ayaa xalay ilaa saakay ka socda magaalooyinka dalka Spain, halka Talyaanigana uu la ooynayo dharbaaxadi cusleyd ee kasoo gaartay tartankan oo dabcan aanan waligood ku dhicin.
Ciyaartooydi u kala safatay xalay:

Spain: Casillas; Arbeloa, Piqué, Sergio Ramos, Jordi Alba; Busquets, Xavi, Xabi Alonso; David Silva (Pedro Rodriguez 58), Fabregas (Torres 75), Iniesta (Mata 86).

Italy: Buffon; Abate, Barzagli, Bonucci, Chiellini (Balzaretti 21); Marchisio, Pirlo, De Rossi; Montolivo (Montolivo 56); Balotelli, Cassano (Di Natale 46).

Aqrisatay:809Share on Facebook

Short URL: http://ceelcad.com/?p=3426

Posted by on Jul 2 2012. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery