Ceelcad | Latest News Over The World

Liverpool oo ka aarsatay Chelsea.

Kooxda Liverpool ayaa ka aarsatay naadiga Chelsea oo Axadi lasoo dhaafay ka qaaday koobka FA-ga kadib marki ay xalay 4-1 uga badisay ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Ingiriiska.

Guuldarada qabsatay Chelsea waxay ku qasabtay in aysan wax raja ah ka yeelan kaalinta afraad ee horyaalka hase yeeshee waxaa ay gaari kartaa koobka horyaalada Yurub hadii ay qaado finalka.

Chelsea goolka koowaad waxaa ka dhaliyey laacibkooda Michael Essien oo isku qaloociyey, goolasha kalana Liverpool waxaa u kala dhaliyey Jordan Henderson, Daniel Agger iyo  Jonjo Shelvey, gool shanaadna waxaa qasaariyey Stewart Downing.

Goolka calanka waxaa Chelsea u saxiixay Ramires, sidaasi ayeyna Liverpool uga gaartay guul muhiim ah kooxda Chelsea, Liverpool waxay ku jirtaa oo ay soo ciriirsatay kaalinta sideedaad, halka Chelsea ay fadhido kaalinta lixaad.

Aqrisatay:784Share on Facebook

Short URL: http://ceelcad.com/?p=3264

Posted by on May 9 2012. Filed under Ciyaaraha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery