Shukri Sandiko oo Sheegtay inay Fashili doonto Arimo Badan oo …..?
Fanaanada Shurki Weheliye Cadow Sandiko oo ku sugan dalka Canada ayaa maanta sheegtay in ay fashili doonto arrimo badan hadii aan la joojin fadeexada ay faafinayaan qaar ka mid ah fanaaninta Soomaaliyeed iyo websiteyo qaar.
Shukri Sandiko ayaa sidoo kale sheegtay in ay soo bandhigayso siro badan oo la xariira Fanaanaiinta haatan loo haysto in ay yihiin Fanaaniinta ugu codka macaan Soomaaliya ama ugu magaca dheer, islamarkaana ay u badana yiihiin lacag qaatayaal, dadkana dhaca iyo in aysan dalkooda waxba ka ogeyn oo ay la hartay balwad.
Fanaanintaas ayay sheegtay in marka ay maslaxa soo koraana ay cirka ku socdaan, kaddib marka ay ka badato sarqadu.
“Waxaan leeyahay hala joojiyo fadeexada lagu hayo fanaaninta anan fadeexeysnen, hadii fadeexada laga deen wayo fanaaniintaas, waxaan shaaca ka qaadayaa ama faafinayaa fanaaniin badan oo laa faniiyo ama loo maleyo in ay yihiin fanaaniintii aduunka aysan fanaaniin ahayn, balse ay yihiin lacag qaatayaal, dadka dhaca, wadankodana anan waxba ka ogeyn, balwaduna ay u wada dhamaysay, fanaaniin meeshaan ma joogaan magacii Soomaaliya dhulka ayay la galeen .” Sidaasi waxaa tiri Shurki Weheliye Cadow Sandiko oo ku sugan dalka Canada.
Hadalka Fanaanada ayaa imanaya, kaddib markii ay boggaGA Soomaalida qaarkood ay qoreen in ay baagamuudo soo wajahday fanaanada caanka ah ee Fartun Birimo, taas oo aanan la garanayn ka halka ay ka soo xigteen websiteyadaasi
Email: Ceelcad@gmail.com
Aqrisatay:1854Share on FacebookShort URL: http://ceelcad.com/?p=2651












