Qiimaha Kaluunka oo hoos u dhac ku yimid suuqyada Muqdisho.
Kaluumeystada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hoos u dhac weyn laga dareemay qiimaha la kala siisto kaluunka ee kawaanada Magaalada Muqdisho.
Qiimaha la kala siisto Sicirka malaayga Suuqyada Magaalada Muqdisho ayaa hoos u dhac weyn laga dareemay, iyadoo Kiiladii hilibka Malaayga ah la kala siisanyay Lixdan kun oo Shilin Soomaali ah, halka markii hore uu ahaa wax ka badan Boqol iyo Labaatan kun.
Hoos u dhaca ku yimid qiimaha Malaayga ee Magaalada Muqdisho ayaa lala xiriirinayaa iyadoo suuqa uu ku soo batay Malaayga, xilli lagu guda jiro bisha Ramadan.
Qaar ka mid ah Kaluumeeysatada Muqdisho ayaa shabakadda wararkaee Balcad u sheegay in xiligan lagu jiro ee xili roobadka xagaaga uu Malaaygu ku soo bato suuqyada taasina ay sababtay in sicirka malaayga uu hoos u dhac ku yimaado.
Aqrisatay:1152Share on FacebookShort URL: http://ceelcad.com/?p=125












